webmaster@laasqoray.net

Xarunta Iskaashiga Islaamka Ee Norway oo biyo dhaan ka sameeysay gobolka Nugaal.

Xarunta iskaashiga islaamka ee Norway ayaa biyo dhaan ka sameeysay gobolka nugaal ee puntland-soomaaliya,biyo dhaankaas ayaa laga fuliyey 5 goobood oo ka tirsan degmada garoowe ee magaalo madaxda puntland somaliya.

Goobaahaas biyo dhaanka laga sameeyey ayaa kala ahaa,tuulada ilma adeer,birta dheer,tuulo ooman,kalabeyr iyo abaareey.

Biyo dhaankaas ayaa waxaa fuliyey hay’ada wadaniga ee Tadamun oo saldhigeedu yahay magaalada xeebta ah ee boosaaso.biyo dhaankaas ayaa ahaa mid aay ku tilmaameeyn dadka dagan magaalooyinkaas mid aay aad uga faa’iideeyn hadii loo fiiriyo baahida biyo ee aadka u darneeyd ee dadkaas saameeysay.

Abaaraha ayaa ah guud ahaan mid soomaliya oo dhan sameeysay gaar ahaan puntland waa meelaha sida xun aay u sameeyeen abaaruhu.

Qaar ka tirsan madaxda dollada puntland ayaa mahad naq balaaaran u jeediyey xarunta iskaashiga islaamka ee Norway si fiican oo deeqsi nimada ku jirto aay biyo dhaanka uga sameeyeen gobolada puntalnd.gaar ahaan degmada garoowe

Mudane c/casiis nuur cilmi oo ah duqa magaalada ayaa aad ugu nuux-nuuxsadey sida dad kar nimada ah aay xarunta iskaashiga islaamka biyo dhaanka uga sameeysay gobolka nugaal,ayadoo aay caawinayeen hay’ada wadaniga ah ee tadamun social society.

Garoowe-Ashkir Nuur Axmed

Comments are closed.