Waxaanu warysi la yeelanay aqoonyahan Casayr faarax bile oo fuliyey dhismaha hanuuninta ama centre ka magaalada Badhan . Waxaanuna wax ka weydiiney qaabka uu u bilowday mashruucan dhisme iyo wejiga uu ku dhamaaday. Waxa uu noo sheegay inuu jirtey dadaal badan iyo wakhti badan oo ay u hurnay in la helo ama ay dhalinyaradu helaan xaruntoodii Center-ka ay dhinacyo badan uga faa’iidaysan jireen taas oo sababtay in dhisme cusub lagu sameeyo oo la burburiyo dhamaanba dhismihii xaruntii hore ee centr-ka badhameed.
Waxaana maal gelisay mashruucan dhismaha cusub ee hanuuninta Magaalada badhan hay’adda caalamiga ah ee layiraahdo UNICEF. Iyadoo si hagar la’aan ah u dhamaystirtay dhismahaas. Waxaana la bilaabay dhismaha mashruucan 23/08/2010 wuxuu dhamystirmay dhismuhu 18/1/2011. Hadaanu in yar ka xusno Mr.Casayr faarax bile shakhsiyadiisa wadaninimo iyo dadaalada horumarineed ee uu Gobolka ugu jiri iyo wax yaabuhuu fuliyey. Mr. Casayr waxa uu kamidyahay shakhsiyada far ku tiriska ah ee aad ugu heelan danta guud ee gobolka dadaalo badan iyo horumar badana ka qayb qaatay tan iyo intii ka danbeysey burburkiii dawladii dhexe ee soomaaliya intiiisa badana ku sugnaa dalka gudihiisa.
Wuxuu kaloo noosheagay intuu mashruuc oo uu ka qaybqaatay fulintooda ama uu isagu fuliyey’
- Dhismihii lagu kordhiyey dugsiga sare ee Mohamoud Alli Shire.
- Dhismihii lagu kordhiyey dugsiga hoose dhexe ee siinay. IWM
Mar aanu wax ka weydiinay Mr. Casayr faarax bile dadaalkiisa ku aadan wax qabadyada gobolku u baahan yahay wuxuu noo sheegay inay ka go’antahay inuu laban laabo daadaalka horumarineed ee gobolka in ta awoodiisu tahay inuu kaga qaybqaato.
Wuxuu kaloo noosheegay inay muqadas ku tahay qof kastoo dareen wadaniyeed leh oo gobolka u dhashay inuu u heelanaado danta guud lagana wada shaqaeeyo horumarka gobolka. Iyadoo uu ku sii gabagabeeyey hadalkiisii “NIN WALIBA WAXA UU QABTO SHIRKA LA’IMAN DOONEE” sidaasna waxaa yiri MR. Casayr Faarax Bile
XIGASHO- SPR



