War deg dega ah oo goordhayda na soo gaadhay Magaaladda Boosaaso ayaa wuxuu sheegay in Daqiiqado ka hor Magaaladda Boosaaso Lagu dilay Xeer Ilaaliyihii Maxkmada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari C/laahi Saalax Shirwac, wararka aanu helayno ayaa waxay sheegayaan in ay dilka xeer ilaaliyaha geysteen koox ku hubaysan baastoolada oo afka soo duubtay.
Waxaa goordhayd bartahama Magaaladda Boosaaso lagu dilay Xeer Ilaaliyihii Maxkamada Sarre ee Gobolka Bari C/laahi Saalax Shirwac oo dhawaan xilkaas loo Magacaabay, Kooxdii dilka xeer ilaaliyaha geystay ayaa markiiba ka baxsatay goobtii ay ku dileen.
Ciidamada amaanka ee Gobolka Bari ayaa markiiba Soo gaadhay Goobtii dilku ka dhacay oo ahayd suuqa Caanaha ee bartamaha Magaaladda boosaaso waxayna haataan si weyn u baadhayaan cidii ka dambaysay dilka Xeer Ilaaliyaha Gobolka Bari.
Dilka Xeer ilaaliyaha ayaa wuxuu kusoo aadaya xili dhawaan Maamulka Puntland u soo magacaabay Xeer ilaaliyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari.
Ilaayo hada lama yaqaan cida dhabta ah ee ka dambaysay Dilka Xeer ilaaliyaha Gobolka bari basle wuxuu qeyb ka noqon doona oo ku biiri doonaan dilalka aalaba loo geysto Saraakiisha iyo masuuliyinta kale ee lagu dilo gudaha Magaaladda Boosaaso.
LaasqorayNet-
Laasqoray.Net@gmail.com
