webmaster@laasqoray.net

Xildhibaan Axmed Cali Yakhale oo Sheegay in uu ku Qanacsan yahay Cad Quudheedka Loo Magacaabay.

Dhawaan ayay Warbaahinta LaasqorayNet Khadka Telephone-ka kula Xidhiidhay Xildhibaan Axmed Cali Yakhle isagoo ku sugan Magaaladda Muqdisho kadib markii uu  u Magacaabay Raysal Wasaare Farmaajo Wasiir Dowlaha Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, waxanuna su’aalay sida uu arko  wasiir dowlaha loo magacaabay wuxuuna noo sheegay in uu ku qanacsan yahay.

Xildhibaani Axmed  Cali Yakhle oo katirsan Baarlamaanka Fadraalka islamarkaana kasoo galay dhinaca IRS-ta ee Madaxweyne Sheekh Shariif  ayaa dhowr cisho ka hor loo magacaabay Wasiir Dowlahda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka kadib markii ay Beesha Reer Maakhir Weday Wasiirkii ay ku lahaan jirtay Xukuumadihii Dowladda Fadraalka.

Xildhibaan Axmed  Cali Yakhle ayaa wuxuu kamid ahaa XIldhibaano Reer Maakhira oo saaray baaq ku wajahan Madaxda Dowladda KMG islamarkaana ay kaga dalbanayaan in ay meel saaraan  Xaqa Beesha Reer Maakhir hadii kale ay kalsoonida kala noqon doono Dowladda Fadraalka waxayna intaas ku dareen in aysan qaadan doonin waxkayar wasiir.

Axmed  CaliYakhle isagoo kamid ahaa Xildhibaanda Baaqaas soo saaray ayaa wuxuu dhinac maray heshiiskii beesha Reer Maakhir ku gaadheen gudo iyo dibadba ee ahaa inaysan marnaba qaadan cadquudheed, wuxuu Xildhibaanku noo sheegay mar aanu la xidhiidhnay in uu si kal iyo laaba u soo dhaweynayo Xilka Loo Magacaabay.

Waa Maxay Wasiir Dowle?

Waxaan jeclahay  ugu horeyn inaan tusaale kooban ka bixiyo waxa uu yahay Wasiir Dowle oo uu sheegay in uu ku qanacsan yahay Xildhibaan Axmed Cali Yakhle, Wasiir Dowle  waa Aagaase Waxaad oo lamid ah Sida Agaasimaha Madaxtooyada, Agaasimahaa Xafiiska Raysal Wasaraha , marna waxaa la yiraahdaa Waa Wasiir aan xafiis lahayn oo macnaheedu tahay wasiirka Wareega.
Xildhibaan Axmed Cali  Yakhle ayaa Maqsuud la aha Wasiir Dowlaha loo Magacaaabay wuxuuna noo sheegay in uu soo dhaweynayo islamarkaana uu uga mahad celinayao Raysal Wasaare Farmaajo Xilka uu u Magacaabay,
Xildhibaanada Reer Maakhir ee Baarlamaanka Fadraalka ayaa mar  ay nalasoo  xidhiidheen waxay noo sheegeen in ay kasoo horjeedaan Cad quudheedka Loo magacaabay XIldhibaan Axmed Cali Yakhle islamarkaana ay dhawaan qaban doonaan shirjaa’id oo ay ku cambaareynayaan kuna sheegayaan in uusan cidna matalin ninkaasi.

Goordhow Filo Wareysi aanu la yeelanay XIldhibaan Cawad Axmed Casharo oo ka hadlaya sida uu u arko Wasiir Dowlaha Loo Magacaabay XIldhibaan Yakhle.

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

14 Responses

  1. Marka hore ka feejignaada ragga iska dhigaya tolka ee hadana aflagaadada la taagan.
    Horta pressure wayn baa fuuley Farmaajo si uu u magacaabo. Runtiina wax la’aan way dhaantaa.
    Laakiinse, dad badan oo aan cadaalad rabin oo siyaasad ahaana naga soo horjeeda baa soo ifbaxey. Waxeyna isticmaalaan cheap excuses oo laba ka mid ah ku celceliyaan. Mida koowaad oo ah in Harti laba la siiyey. Su’aasha aysan rabin iney ka jawaabaan baa ah maxaa Majeerten loo qadin waayey? Excuse-ka labaad waa Soomaali lama wada gaarsiin karo. Taasina waa sax laakinse ka waran Ogaadeen oo Somaliya kaga deegaan badneyn beesha Cawrmale la siiyo jago, reer Sanaag iyo galbeedka Barina laga soo qaado in laga maarmi karo. Aniga waxaan leeyahey xaqiina u dagaalama oo dowladaan Farmaajo ha eegina hana la shaqeynina. Cadawga Warsangelina ha dhaco.

  2. Salaam, Ahmed Ali Yakhle waxba Kama duwana kuwa dhuuniraaca noqday oo hungurigu marba meel ka tuurayo, kuwa puntland, somaliland, iyo dawlado shisheeyaba ugu adeegaya dhafsanaayana aduun waxba Kama duwana Ahmed Ali. Hadii wersengeli ahaanjiray dad magac iyo maamuus lahaana maanta waxaan joognaa “waxa bedelay kuwii hore kuwa….”
    Dawladuna Somaliyana hadii aay ku dhisnanayso Reer iyo anaga waan ka baxnay oo boos nalama siin.
    Danteena waxaa ka weyn oo ka muhiimsan Santa umadeena iyo badbaadada qaranka. Intiina wax soo qortay oo dhanna mid eegaya danta umada somaliyeed iyo ka shaqaynta midnimada. Aaway isu samirkii iyo isu tanaasulkii diinteenu ina bartay. Hadii qabiilkasta oo somaliyed rabbo kursi dawlad noocma ah ayaan lahaanaynaaa.
    Illaah aan ka xishoono oo feker iyo qalbi wanagsan aan lahaano, nosha umadeena iyo hadafkeeda yaanan duminin.

  3. War Yaa Alle Yaqaan, waxaan makhraanti ka ahay, in aynaan dad jira ahayn…. INA CALI SHIRE oo 100 sano ka hor Bakhtiyey … Ayaynu soo Gocanaaa. war Dadka jooga ka hadla… Ina Cali yakhlena waxba ma dhimin oo nin baa ku maah maahay”LUGTEEREEY NINBA MAR KOR KUUQAAD” markaas Odaygaas ha la iska daayo.. ha lala hadlo aduu diidona Dee wax ha la qabsado beeshi siyaasiyiin Isimo, iyo wax Garad kaleba waa buuxaan eh Muwaafaqdii ayaaa ka maqan.

  4. Majeerteen malahaan jirin ee waxaa lahaan jirey last 50 years isaaq ama ikfoot iyana luma dhacaan in ay isaaq wax kasheegaan

  5. War aamusa isagaa idiinku caqli roone ha iska biya biyeystee, Warsangeli baa sadan ahaan jirey uun hala calaacaline. Gabar meesha soo taagan oo oday dhuuni raaca ka dul yuusaysa Muqdisho uun baa Warsangeli ka soo hartay iyo mid dekeda Laasqorey u dewerinaysa maxaa ku dhacay ku dhacay Majeerteenkii idin lahaan jirey saaxiibayaal.

  6. waan salaamay dhamaan reer maakhir ( warsangali ) , waxaan kaloo mar labaad salaamayaa wasiiru dowlaha arimaha gudaha & amniga ee dowlada fadaraaliga somalia
    markaan ku dhaadhaco dulucda sheekadayda
    waxaan halkan bugaadin & taageero la garab taaganahay wasiiru dowlaha
    ma xuma in beeshu wasiir hesho se hadii ay wayday ileen somali oo dhan lama deegsiin karo 18 wasiir markaa waxaa habon in wixii layna siiyo in aynu iimaansano waxaa ka sii liita inaga oo aan ku jirin markaa in aynu nidhaahno wasiir baa lana siin waayay markaa soomaali ma nihin waa shay aan ila fiicnayn
    wabilaahi towfiiq

  7. Horaa loo yiri warsangeli nin qudha buu ahaa isna dhimey kii Hala AMA wax qoraaba wuxuu soo qabsada Maxauud Cali shire
    Walaala yaal miyaan cidi ka danbeyn
    Maxamuud Cali Shirre
    N. N Ma nothing baa?

  8. Jama, waa kugu raacey fikradaada. Shirarka hala badiyo sidii loogo bixi lahaa Kala daadsanaanta iyo baab’a.
    Maamul madax banaana aan dhisino.
    Dhulkeena Kheyraad baa ka buuxa, aan la soo baxno.

  9. runtii waxaa moodaa in beryahayn danbe uu sii liicayo magacii maamuuska badnaa ee wersangeli lahaan jiray oo weliba ka baxsanaa soomali oodhan kana dhex bidhaamayay Geeska africa tusaale markaan usoo qaadano xiliigii suldanadii SULDAN MAXUUD SULDAN CALI SHIRE oo ahaa boqrtooyada kaliya ee uu aqoonsanaa caalamku sida dawlada ingriiska oo wakhtigaas guumaysanaysay wadanka somlia si kastaba ha ahatee waxaan halkaan tacsi u dirayaa dhamaan inta weli u taagan magaca wersangeli jiritaankiisa iyo weynantiisa sida uu u quudhsaday inan gumeedka aan haybta wanaagsan ka soo jeedin ee ku magcaaban raisal wasaare ku sheega waxaana tallo ahaan soo jeedinayaa inaanu geyin in aan la gor gortano waayo uma qalmo warsangeli inuu la kulmo waa nin aan ka soo jedin qabiil somali magac ku dhex leh hadaan taas ka gudbo waxan fariin u diaryaa AXMED CALI YAKHLE waxaana leeyahay axmed ha ina ceebayn aduun magacbaa ka hadha e welibana waxaad ka soo jeeda beelaha warsangeli ugu ficilka badan ee markiiba ka danqada xumaanta loo geysto iyo tan ku soo foolka lehba guri lagu gaajoonayona kama aadan imaane magaca dhankaga ka dhawr

  10. Dhooley Warsangeliga aad Dhican dhigayso dhulbahante Garo waxa uuyahay waan kuu sheegay inaad moodeen Ayaamaha yar ee aad ju fadhidaan kursiga dhulbahante kulahaa puntlad Doqoni hantideeda habeeb Baryo ah bay ka jecesgahay mudane yakhle wuxuu haystaa
    kuu lahaa

  11. Samatar, Hartiga aad sheegeysid anaa madax u ahaa. Hadaan doorbidana ka madax banaan kara.
    Warsangelina waa kala bar Harti.

    Aniga waxaa leeyahey ina Yakhle halala hadlo oo ha isaga dwgo jagadaan qurunka ah. Koley waa nagu wada ceeb in danta guud in shaqsiyaad wata magaca reerka wata ay dana gaaraan.
    Koley nama metelo, beeshana waa isaga baxsey dowlad ku sheegaan. Waar iska suga inta yar ee u hartey.

  12. Dadka Habqamaya ee sheeganaya xalidhibaano
    mid meesha Beeli Geysey oo tidhi waa naga wakiil majo meesha waxa lagu tegey Habqan
    intay Fadhfadhiyeena Beel wax uma Tarin hadana waxa kaga qaylaal siiyey markay waayeen in loo magcaabo xilal ee wax naxariis ah iyo sharaf doon ah majiro waxaan leeyahay
    cabashaduna xaq maaha waayo Harti labuu helay labadiina labadii Reer ee badnaa baa qaatay hadii mid sadexaad jiri lahaa warsangeli
    Hadal ufuraan lahaa
    Hadal iyo dhamaantii Ahmed Cali Yakhle
    wuxuu ka midyahay Xuunshooyinka
    Sheegta xildhibaan Xuunshona xuunsho ma dhaanto ee isba hayska joogo Xuunshaygu

    Warbaahinta sanaag ku abrisatana
    waxaan leeyahay Garta waxa warsangeli xaq uleeyahay. Hargeysana dhulbahantaha idinku
    sharaf dhaama iska daayaya latar tanka
    Dhulbahante. Ha Arkina Boosaska xaqdarada ah ee majeerteen idiin Boobay oo dhulbahante
    Kaqaaday Garta Cadkaad leediniin

  13. warsangeli sida aan u haysan jiray iyo labadan sano sida aan u ogaadey kartidooda iyo waxay galaan iyo waxay gudaan waa mid la yaab leh .ma filayn in warsangeli ay yeelan doonan rag lagu shaqaysto oo raalli ka ha waxa tolkood ku dhacay isla markaana ku faraxsan inay reero kale u shaqeeyaan. bala daya kuwa weli ku faanaya galgala dhiiga ku daatay. kuwa cad quudheedka ku faraxsan. kuwa weli faroole u kala dhuumanaya oo leh rag anaga ah baa ka soo horjeeda ee hoo magacyadooda oo saaxafada ka sheeg.

  14. BaH Ogayslabe Meeday, Maxay duligan u qabanwaaayeen? Waa na ceebeeyey, Haduu lacag rabo anaaga usoo dirayna.