webmaster@laasqoray.net

Xildhibaan Cawed axmed Cashara Oo Sheegay In Gudoomiyaha Basralamaanku Balantii Uga Baxay Baarlamaanka KMG ah Ee Somalia

Qaar ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee somalia ayaa sheegay inuusan gudoonka baarlamaanka tegeitaanka shirka ee nairobi uusan kala tashan baarlamaanka islamarkaana sharci daro ku tilmaamay tegitaanka gudoomiyaha baarlamaanku uu tegey madasha shirka ay dabada ka riixayso qaramada midoobay.

Gudoomiyaha warfaafinta barlamanka KMG ee Soomaaliya Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo la hadlay qaar ka tirsan saxaafada ayaa ka warbixiyay aragtidiisa ku aadan ka qeyb galka shirka ka dhacaya Magaalada Nairobi uu ka qeyb galayo gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan islamarkaana tilmaamay inay tahay midaan sharciga waafaqsanayn iyadoo uu sheegay in hore gudoomiyaha baarlamaanku uu warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inka qayb galka shirka uu kala tashan doono Mudanayaasha barlamanka Soomaaliya islamrkaana uu hor keeni doono Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho hase haatee waxaa uu daboolka ka qaaday Xildhibaan cawed axmed Cashara inuu balantaasi ka baxay gudoomiyaha barlamanku.

Sidoo kale Gudoomiyaha warfaafinta barlamanka Cawad Axmed Cashara ayaa carabaabay in shirka lagu wado inuu maalmaha fooda inagu soo haya ka bilowdo magaalada nairobi ee xarunta dalkaasi kenya aysan danta dalka iyo dadka dani ugu jirin.

Si kastaba ha ahaatee hadalka xildhibaan cawed axmed cashara ayaa kusoo beegmaya xili uu maalintii shalay ka amababaxay magaalada muqdisho wafdi xildhibnaano ah oo uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka shariif xasan sheikh aadan iyadoo uu u ambabaxay ka qayb galka shirka lagu wado inuu maalinta beri ah uga furmi doono qaybaha kala duwan ee maamulada ka jira somalia qaarkood magaalada nairobi ee xarunta dalkaasi kenya.

Yaasin Maxamed, LaasqorayNET, Muqdisho

Comments are closed.