Gudiga warfaafinta baarlamaanka KMG ah ee somalia ayaa ka warbixiyey waxqabadkiisii tan iyo intii ay todobo jirsadeen islamarkaana sheegay inay qabteen waxqabad muuqda oo ka laga hir geliyey gudaha wadanka Somalia.
Gudoomiyaha gudiga warfaafinta baarlamaanka KMG ah ee Somalia xildhibaan cawed axmed casharo oo manta shir jaraa,id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in baarlamaanka KMG ah ee Somalia intii jiray wax ka qabtay qawaaniinta nabadgelyada qaranka, shuruucda kala duwan ee ay ku shaqeeyaan ciidamada kala duwan ee qalabka sida iyo kuwa kale .
Sidoo kale xildhibaan cawed axmed casharo ayaa intaasi ku daray inay xiligan kala guurka ahna u taagan yihiin sidii ay wax uga qaban lahaayeen shuruucda ay ku howlgeli lahaayeen maamul goboleedyada ,hay,adaha caalamiga ah ee dalka jooga iyo sidii loo heli lahaa xisbiyo siyaasadeed .
Xildhibaanka ayaa kaloo daboolka ka qaaday inay jiri doonaan waxqabad muuqda ay ku talo jiraan inay fadhiyada soo socda ee baarlamaanka KMG ah ee Somalia lagu doonayo inay wax kaga qabtaan dalka isagoo carabaabay sidii wax looga qaban lahaa maxaabiista iyo sharciyadooda iyo weliba qaabka ay ciidamada jeelasha ay ula dhaqmi lahaayeen maxaabiista jeelasha
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay ee baarlamaanka KMG ah ee Somalia uu ka hadlo waxqabadkiisii tan iyo intii uu jirey oo iminka ku dhow todobo sano.
hoos ka Dhegeyso
Cawed Axmed casharo 17-03-2011
Yaasiin Maxamed, LaasqorayNET, Muqdisho
