webmaster@laasqoray.net

Xildhibaanada Baarlamanka oo Cod Gacan Taaga ku Anisixiyay Xukuumada Farmaajo

Xildhibaanada Baarlamaanka Fadraalka ayaa maanta kulan Xasaasiyad leh ku yeeshay Xaruunta Golaha Shacbiga ee Magaaladda Muqdisho Waxayna Cod Gacan taaga ku ansixiyeen Xukuumadii uu dhawaanta soo Magacaabay Raysal Wasaare Famrajao.

Kulankii Maanta ee Baarlamanka ayaa waxaa soo xaadiray 343 Xildhibaan wuxuuna ajandaha kulankoodu ahaa Ansixinta Xukuumada Cusub ee Raysal Wasaare Farmaajo dhawaanta soo Magacaabay, kulanka Baarlamaanka ayaa sidii caadada ahayd waxaa furay Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan Wuxuuna mudanayaasha Baarlamaanka ka codsaday in aysan dhicin arintii dhacday Maalintii taladada ee Xildhibaanadu gacanta isula tageen.

Ugu horeyn Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka soo hor dhigay in ay kala doortaan labada Mooshin ee kala ah in cod gacan taaga lagu ansixiyo Xukuumada iyo in si qorsoodiya codka lagu siiyo.

250 Xildhibaan ayaa ogolaaday in Xukuumada Farmaajo loogu codeeyo gacan taag halka ay 91 ku codeeyeen si qarsoodiya.

LaasqorayNet-

Comments are closed.