Xildhibaanada Dowlada ku meel gaarka ah ayaa kororsadey wakhtigii ay ahaan lahaayeen xildhibaanada Dowlada Somalia iyadoo aan wax talo ah laga weydiin Shacabka ay sheeganayaan iney metelayaan isla markaana aanba ku noqon karin goobaha ay ku tilmaaman yihiin iney metelaan.
Kalfadhiga Golaha Baarlamaanka oo uu hogaaminayey Shariif Xasan ayaa waxaa kasoo qeyb galey 435 xildhibaan iyadoo cod aqlebiyad gaareysa 411 ay u codeeyeen iney xilka kororasadaan mudo Sadex Sano ah oo ka bilaabneysa Marka uu dhamaado xiligan Baarlamaanka uu kaga ekaa ee Bisha 8aad 2011ka.
Shariif Xasan oo isagu doonayey in loo kordhiyo xilka 2sano ayaa isla markaa laga diidey oo kooxdii kale codsatey iney mudan tahey in waqtigu ay noqoto 3sano isla markaana intaas dalka lagu dejiyo.
Xil kordiska Golaha Baarlamaanka Federaalka ee ku meel gaarka ah ayaa timi xili ay xukuumadu iyo Baarlamaankuba wakhtigoodu ka ekaan lahaa sanadakan dhamaadkiisa.
Waxaase su’aashu ka taagan tahey ma la kordhin wakhtiga Sheekh Shariif mise waa laga takhalusi? Arintana Wakhtigaa ayaa ka jawaabi.
LaasqorayNET-Muqdishu
