Waxaa Maanta magaalada Taleex ee Gobolka Sool lagu dhaarshey xukuumada Maamul goboleedka Khaatumo State iyadoo Golahaasi ay ugu sareeyaan Golaha Xukuumada oo labo xubnood oo ka mid ah dhaarshey iyadoo ay xaflada dhaarinta labada Masuul ay kasoo qeyb galeen dhamaan ergooyinka Shirka Taleex ee Beesha Dhulbahante.
Waxaa si ku meel gaadh ah loogu doortay magaalada Taariikhiga ah Taleex inay noqoto Caasimadda maamulka Khaatumo.
Waxaa iyana lagu dhawaaqay in Golaha Wakiiladu ka koobnaan doono 47 xubnoodoo 9 ka mid ah loo qoondeeyey inay noqdaan Hablaha Khaatumo.
Magacayada Golaha madaxtooyada ayaa kala ah:
- Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)
- Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel)
- Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe)- (Dib baa laga dhaarinayaa)
Magacayada Golaha Wasiirada:
1. Xuseen Saleebaan Xaaji Axmed (Dabay)- Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Caalimiga iyo Jaaliyadaha
2. Maxamed Ducaale Cabdi- Wasiirka Amniga Qaranka
3. Cismaan Axmed Jeex- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
4. Cabdikariim Faarax Dhaaye- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Khayraadka Dabiiciga
5. Maxamuud Diiriye Cabdi Joof- Wasiirka Wasaaraada Adeega Arrimaha Bulshada
6. Yasiin Axmed Sulub- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha
DAAWO SAWIRRO
Xigasho Boocame Online






















