webmaster@laasqoray.net

Xukuumada KMG ah ee Somalia oo sheegtey iney Gobolada ka saari doonto Alshabaab

Hanjabaad kasoo yeeray Xukuumada Somalia ee Ku Meel Gaarka ah ayaa waxay ku sheegtey iney Gobolada Koonfurta Soomaaliya kula dagaalami doonto Alshabaab isla markaana ka saari doonto iyadoo xoreynaysa goobaha ay ka taliyaan urur diimeedka hubeysan ee Alshabaab.

Wasiir ku xigeenka Difaaca ee Dowlada ku meel gaarka ah Mudane C/rashiid Xidig oo bilahanba ku sugnaa Gobolada jubooyinka gaar ahaan Jubada Hoose xadka ay la wadaagto Kenya ayaa  sheegey in Dowladu ay dagaalo culus kula gashey Alshabaab goobo iyo degmooyinka jubooyinka iyo Gedo.

Wasiir ku xigeenku ayaa sidoo kale sheegey isagoo la hadlay warbaahinta Muqdisho qeyb ka mid ah in Dowladu ay ku wajahan tahey Gobolada Baay iyo Bakool isla markaana furimo badan ay furi doonto Dowlada ku meel gaarka ahi.

Warkan ayaa imanaya xili ay Dowladu la wareegtey dhowr degmo oo ku yaala Gobolka Gedo sida Luuq iyo Beled xaawo iyo weliba Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.

Sidoo kale waxaa dagaalo ba’ani ka dhaceen Ceel Waaq oo isla markaa gacanta Dowlada gashey taas waxaa dheer in dagaalo isdaba socda ay ka socdeen Muqdisho oo dib loo riixey ciidamada Alshabaab isla markaana ay hada Dowladu qorsheyneyso iney la wareegto qeybaha kale ee Magaalada Muqdisho ee ku jira Gacanta Mucaaradka.

Dagaaladan inta badan aan dhamaadka laheyn ee koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku habsadey ayaa waxaa waxyeelada ugu weyni ay soo gaarta dadka rayidka oo qax iyo dhib lasoo wajahdaa.

LaasqorayNET-Muqdisho

Comments are closed.