webmaster@laasqoray.net

Xukuumada oo labo warsaxaafadeed kasoo saartey dilkii dadka rayidka iyo eedeynta Amison

Iyadoo maanta warsaxaafadeed ka baxay Wasiirka kowaad ee Mudane Farmaajo oo ay weheliyeen wasiirka Difaaca, Kan Aminga qaranka isla markaana lagu cadeeyey iney lasoo qab qabtey rag lagu eedeeyey dilkii dadka mudaharaadayey dhowr maalmood ka hor.

Warsaxaafaxeedkan ayaa Raysul wasaaruhu wuxuu ku cadeeyey in lasoo qab qabtey rag gaaraya 5 qof oo uu ku jiro Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed dheere isla markaana ay ku dabo jiraan rag kale oo maqan.

Warsaxaafadeedkan ayaa sidan hoose u qornaa

”Dowladda ayaa xirtay shan qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii Talaadadii lagu qaaday dadweyne bannaanbax nabadeed ku sameynayay agagaarka Ex-Fiyoore ee magaalada Muqisho, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen illaa saddex qof oo rayid ah iyo askari ka tirsanaa dowladda.

Ra’iisul-wasaaraha, Mudane Maxamed C/laahi Maxamed, Ku-xigeenka Ra’iisul-wasaaraha, ahna Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane C/xakiim Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka, Mudane C/shakuur Sheekh Xasan iyo Wasiirka Warfaafinta, Boostaha & Isgaarsiinta, Mudane C/kariim Xasan,  ayaa si wadajir ah ugu sheegay Raadiyo Muqdisho in ciidamada Dowladda oo kaashanaya nabad-ilaaliyeyaasha AMISOM ay xabsiga dhigeen eedeysanayaasha kala ah:

1. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir

2. Cabdi Qeybdiid (ma aha Jen. Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid, Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska)

3. Maxamed Raage Tifow

4. Cali Nuur Maxamed

5. Nuur Cali Yalaxow

Xukuumaddu waxay xaqiijisay in eedeysanayaasha la hor keeni doono caddaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo sidoo kale Xukuumaddu ay carrabka ku adkeysay in tani ay ka mid tahay tallaabooyinka ay ka qaadeyso sidii loo dhameyn lahaa dhaqanka la-xisaabtan la’aanta dadka dambiyada galay si muwaadiniintu ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni”.

Sidoo kale waxay Xukuumadu warsaxaafadeed kasoo saartey eedeyn loo jeediyey Amison iyo iyadoo ay xukuumadu beenisey warar sheegay in uu jiro xiriiriyey Amison iyo Dowlada.

Warsaxaafadeedkan ayaa u qornaa sidatan:

”War uu baahiyay Raadiyaha Simba ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho waxaa lagu sheegay in Aadan Kaalmooy Dhaqane uu yahay isku-xiraha Dowladda KMG ah iyo Nabad-ilaaliyeyaasha AMISOM.

Xukuumaddu waxay beenineysaa inuu jiro xil noocaas oo kale ah, waxayna isla markaasi xaqiijineysaa in Aadan Dhaqane aan loo magacaabin xilka uu sheegtay.

Waxaan u aragnaa inay tahay wax ka baxsan xirfadda saxaafadda in warbixin noocaas oo kale ah la sii daayo iyadoo aan la hubin xaqiiqada.Inkastoo Dowladdu ixtiraameyso xorriyadda saxaafadda, haddana waxaan ku dhiirrigelineynaa saxafiyiinta inay taxadar muujiyaan marka ay wararka tebinayaan.

Waxaan kalsooni buuxda ku qabnaa AMISOM, ugana mahadcelineynaa taageerada caafimaad ee ay u fidiyaan shacabka. Waxay goobahooda caafimaad ee ku yaalla magaalada ku daweeyaan dad kor u dhaafaya 12 kun bil kasta”.

LaasqorayNET-Muqdisho

Comments are closed.