webmaster@laasqoray.net

Xukuumadda oo carruur la askareeyay dib ugu celisay qoysaskooda

Xukuumadda Soomaaliya ayaa in ka badan 20meeyo carruur iyo dhallinyaro ah dib ugu celisay qoysaskooda iyo bulshadaba kaddib markii ay ka soo baxsadeen kooxda al- Shabab oo qasab ah ku askareysay. Qaar ka mid ah dhallinyarada ayaa magangelyo iyo deegaanba ka helay guri ay siisay Xukuumaddu. Xukuumadda ayaa tallaabadan qaadday iyadoo ay sii kordhayaan tirada dhallinyarada ka soo baxsaneysa kooxda dowladnimo-diidka ah ee Al-Shabaab.

Dhallinyarada ayaa la kulmay mas’uuliyiinta Xukuumadda, iyagoo loo ballanqaaday in Xukuumaddu cafis u fidineyso qofk kasta oo faraha kala baxa dagaallada, isla markaana doonaya inuu dalka ugu noolaado isagoo muwaadin nabadda jecel. Dhallinyaradan iyo carruurta waxay la soo kulmeen dhibaatooyin badan oo da’dooda ka weyn. Iyagoo u warramayay Raadiyo Muqdisho, waxay ka sheekeeyeen wixii ay u soo joogeen.

“Wax xiriir ah lamaynaan lahayn qoysaskeena intii aan ka tirsaneyn Al-Shabaab. Waxaan nalagu qasbay inaan sameyno ama goobjoog u ahaano falal arxan-darro ah oo mararka qaarkood ka dhan ah dad ka tirsan qoysaskeena.”

Waxaa si xowli ah u sii kordhaya tirada waalidinta la’ carruurtooda meel ay jaan iyo cirib dhigeen. Xukuumaddu waxay si qoysaskaas kala shaqeyn doontaa sidii ay dib ugu heli lahaayeen carruurtoodii laga kaxaystay.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isagaarsiinta, Mudane C/kariim Xasan Jaamac ayaa yiri:“Xukuumaddu way soo dhoweyneysaa dhallinyarada, waxayna ka caawin doonta sidii ay nolol caadi ah dib ugu billabi lahaayeen. “Waxaan weydiisaneynaa beesha caalamku inay gacan nagu siiyaan sidii carruurta iyo dhallinyarada looga badbaadin lahaa in laga dhigo xag-jir, iyadoo la siinayo fursado dhaqaale iyo kuwo waxbarasho iyo barnaamijyo wacyigelin ah.”

Haatan Raadiyo Muqdisho waxaa ka baxa barnaamijyo loogu talogalay in lagu wacyi-geliyo dhallinyarada ay kooxda Al-Shabaab marin-habaabisay.

Maleeshiyada Al-Shabaab waxay inta badan askar ahaan u qortaan carruurta maadaama carruurta si sahlan maskaxda looga qabsan karo, iyadoo carruurtu la socon khataraha jira iyo waxa xun iyo waxa fiican. Marka ay dambi galaan waxay ku qasbanaadaan inay ku tiirsanaadaan kooxdii askareysay iyagoon baxsan karin, ugu dambeyntana khatar ku ah naftooda iyo bulshada.

LaasqorayNET+Wasaarada Warfaafinta

Comments are closed.