webmaster@laasqoray.net

Xukuumadda Soomaaliya oo soo dhoweysay war-murtiyeedkii Dalalka Bariga Afrika

Xukuumadda Federaalka Ku-Meel-Gaarka ah waxay soo dhoweyneysaa war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii 9aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxweynayaasha dalalka ku bahoobay Ururka Dalalka Bariga Afrika (EAC), oo caasimadda Tanzaaniya ee Daara-Salaam laga soo saaray 19kii bishan.

Taladii uu soo jeediyay Ururka IGAD ee ku saabsaneyd in la kordhiyo waqtiga Baarlamaanka iyadoo tafaasiisha loo deynayo dhinacyada ay arrintu khuseyso waxay ahayd billow wanaagsan. Xukuumadda Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa taageeradii uu shir-madaxeedka ururka EAC u muujiyay go’aankii Xukuumadda Soomaaliya ee dib loogu dhigayay doorashooyinkii qorsheysnaa bisha Agoosto ee 2011 in laga dhigo Agoosto 2012 si loogu oggolaado Xukuumadda inay sii waddo dadaallada lagu sugayo ammaanka, iyadoo taasi lagu dhisayo tallaabadii ururka IGAD.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta, Mudane Cabdulkariim Xasan Jaamac, ayaa yiri: “Waxaan uga mahadcelineynaa madaxda dalalka Ururka Dalalka Bariga Afrika sida ay ula saftee Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed xilligan xasaasiga ah

Taageerada Ururka EAC waxay muujineysaa fahamka qotada dheer iyo sida madaxda EAC ay uga damqanayaan xaaladda Soomaaliya. Waxaan rajeyneynaa in shirka soo socda ee IGAD uu sii wadi doono taageerada horumarka dalka ka jira.

“Xukuumadda cusub ee Soomaaliya waxaa ka go’an inay la shaqeyso dhammaan dhinacyada ay khuseyso arrinta Soomaaliya iyo inay ku hoggaamiso qorshe u adeegaya qaranka. Waxaan joognaa gudaha, waxaana xaaladda ula soconaa si hoose, waxaana soo dhoweyneynaa taageerada dalalka gobolka iyo Beesha Caalamka.”

Ujeeddada ka dambeysa hindisaha Xukuumadda waa in dib loo dhigo doorashooyinka muddo sanad ah si Xukuumaddu u sii waddo dagaalka ay kula jirto argagixisada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida iyo si ay awood ugu yeelato inay sameyso, isla markaana dhameystirto isbeddellada muhiimka ah iyo howlaha waqtiga KMG ah

“Waxaan ugu baaqeynaa Soomaalida inay ku midoobaan hindisahan. Waxaan ugu baaqeynaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay gees iska dhigaan khilaafaadkooda iyo damacooda siyaasadeed xilligan adag, isla markaana gacmaha is qabsadaan si dalkeena aan ugu hoggaamino dhabbaha nabadda iyo xasilloonida,” ayuu ku soo gabagabeeyay Wasiirku.  Dhammaad

Comments are closed.