Xulka Gobolka Sanaag ayaa maanta soo bandhigay ciyaar wanaag iyadoo inta badan ay iyagu ciyaarta cagta ku hayeen, ciyaartan ayaa waxay ka duwanayd ciyaartii hore ee Gobolka Saanag loo awood sheegtay kadib markii uu isagu goolka ku horeyey balse laba gool laga daba keenay.
Dad badan ayaa aaminsanaa in maanta gobolka sanaag laga badin doono balse taas waa beenowday ka dib markii ay ciyaartowdu heleen waya aragnimo ku filan ciyarti hore oo ah ciyaari waa gelin danbe,halka macalinka watay xulka gobolka Sanaag uu aad wax uga bedelay tashkiiladiisi ciyaareed.waxaa iyana meesha soo camiray taagerayaal aad u tira badan oo taageerayey xulka gobolka sanaag markii loo eego ciyaartii hore oo ciyaartoowda gobolka sanaag laga taageerayaal badnaa.
Guushan uu maanta gobolku soo hoyey aya waxay ka bad baadisay in uu ku hadho gobolku wareega koowaad ee ciyaaraha,balse waxay ciyaartoydu maanta u ciyareen si cajiib leh iyagoo masuuliyad weeyn dusha u ritay,waxaa ilaa hada u so baxay wareega 2 ee ciyaaraha gobola bari nugaal iyo hiiran waxaana la filayaa in shanta gobol ee puntland ka socda ay wareega 2 soo wada gaadhi doonaan ,rajada sanaag waxay ku xidhantahay hadba labada gobol ee bari ciyaara siday u kala badiyaan hadii gobolka galgaduud uu beri ka badiyo gobolka j/dhexe wuxuu noqonayaa gobol u soo gudba wareega labaad balse hadi ay bar bar dhac galaan waxaa laga yaaba in gobolka sanaag uu kaalinta kowaad ku soo boxo,isku soo wada duubo waxay shabakada hadaaftimo media hamblayo u diraysaa ciyartowda magaca u soo hoynaya gobolka sanaag waxaanu u rajyn doonaa in ay ciyaartooda halkaas ka sii wadaan.
Xigasho- Hadaftimo
