Wararka ka imanaya Deegaanka kalshaale oo hilaadi u jirta 20 KM Degmada Buuhoodle ayaa waxaa maanta ka dhacay dagaal beeleed ku saleysan deegaamaysi wuxuuna dagaalkani geystay khasaare lixaadlehn yadoo lagu soo waramaya in ay halkaas ku dhinteen in kabadan 7 qof oo labada dhinac ah.
Deeganka Kalshaale oo hoos yimaada Degmada Buuhoodle ayaa Waxaa dhawaan baraaqo ka qaday Beesha degta Bariga Burco Si ay u deegaamaysto Waxaana maalin ka hor ay ku dileen Nin kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle, Xiisadan ayaa waxay markale sii kicisay dad ka cadheysan qodida baraagaha Kalshaale.
Dagaalkan ayaa Waxaa ku dhintay inta la hubo 7 Qof Waxaana Lix Kamida dadkaas ku dhintay dagaalkaas Maanta ayaa waxaa la shedegay in ay kasoo jeedaan Bariga Burco halka Ninka kale lagu sheegay in uu u dhashay Deegaanka Buuhoodle
Hoos ka daawo Dagaalka ka dhacay Maanta Kalshaale
